Falanqeynta Kulanka Kooxaha Banaadir SC iyo Heegan Ee Horyaalka Soomaliya 20162-107

0
Monday February 13, 2017 - 10:02:55 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Kooxaha Banaadir SC iyo Heegan Ee Horyaalka Soomaliya 20162-107

    13-02-2017

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

13-02-2017


Kooxaha Kubbada cagta Heegan iyo Banaadir SC ayaa ciayar xiiso badan ku leh masrax Baanadir Satdium ee degmada Cabdi Casiis,iyagoo wada ciyaaridoono kulan ciyaareedkii 11aadd ee Horyaalka Soomaliya 2016-2017.


Banaadir SC oo ah kooxda difaacanaysa Horyaalka Soomaliya ayaa bilaaw fiican ku bilwaaday Horyaalka Soomaliya iyadoo badisay labadii kulan ugu horeeyay waxa ayna ka badisay kooxaha Mqudisho United iyo Elman.


Heegan iyadana weli ma arkin wax gool tan iyo markii Horyaalka bilwaady,hal kulan waa laga badiyay waxaana dharbaaxday kooxda Elman ciyaar ku dhaamtay 2-0,halka Jeenyo ay Barbaro la gashay.



Maxaa Cusub Labada Koox

1.Banaadir SC waxa ay ku jurtaa kaalinta 1-aad waxayna lee dahay 6-dhibcood, halka Heegan ay ku jurto kaalinta 7-aad iyadoo leh 1-dhibic.


2.Mblangu Hussein tani iyo markii uu la wareegay xilka tababarinimo ee Naadiga Banaadir SC waxa Heegan ku kulmaya macalimiin kala duwan kuwaas oo kala horay waxa isku arkyen Macalin Gadamow,Macalin Salaax oo kooxda hogaaminyay xagagii tagay,iyo Macalin Felix oo u dhashay dalka Nigeri,halka markale is arkidoono Macalin Gadaamow oo dib ula wareegay Heegan.


3.Macalin Axmed C/Raxman Cumar (Gadaamoow) ayaa garoomada kusoo laabtay 11-bil iyo maalo,isagoo kooxda isaga hayaamay 27-December 2016,xili kooxda Heegan laga qaaday koobabka Janeraal Daa’uud iyo koobka Somali Super Cup 2015.


4.Jabriil Xasan Fariid ayaa seegidoona kulan adag ee labada koox iyo ka hor imaanshiyaha kooxdiisa hore ee Banaadir SC.


5.Kooxda difaacanaysa Horyaalka Soomaliya ee Banaadir SC ayaa nan laga badin 24-kullan oo xiriir ah oo horyaalka Soomaaliya xilli ciyaareedkii soo dhamaaday iyo kii kasii horeeyay,waxaana guul daro ugu dambeesay 13-05-2016,xili Banaadir SC ay guul dardaasa kala kulantay kooxda Dekedda.


6.Mustaf Maxwell oo u dhashay dalka Nigeria iyo Marcelo Odhaimabo oo u dhashay dalka Kenya ayaa min 2-gool kala dhaliyay Horyaalka Soomaliya Xagaagan,xili ay siw adajir u doorbiyaan in ay gaaran shaqba Naadiga Heegan.


Safka La Filan Karo Labada Koox

Heegan

Gool Haye:-Mohamed Zubireu

Daafacyada:-Mahad Maxamed Xaaji, Ogbokiri Okoro Mathias,C/kariim Abuukar Nuur, Yaasiin Yuusuf Cabdulle.

Qadka Dhexe:-Mahad Muxyidiin Xaaji, Mahad Maxamed Mahad, Siidii Maxamed Cumar.

Weerarka:-C/Raxmaan Cusmaan Mudey, Obat uban Abasi, C/Risaaq Abuukar Rooble.

Macalinka Kowaad:-Axmed C/raxmaan Cumar


Banaadir SC

Gool Haye:-Thomas Mwangi gichobi

Daafacyada:-C/Nasir Yuusuf Maxamed, Ciise C/qaadir Ibrahim, Axmed C/llahi Cabdi, Max’ed Axmed Xuseen.

Qadka Dhexe:-Cali Cumar Cali, Kinene Kafunayo Imam, Mustapha Maxwell.

Weerarka:-Daadir Amiin Cali, Marcel Odhiambo, Caadil Nuur Cali.


Is Araga Horyaalka Soomaliya Heegan VS Banaadir SC

15/06/2012 Heegan S.C 3: 2 Banadir S.C

05/10/2012 Banadir S.C 1: 1 Heegan S.C

09/01/2014 Banadir S.C 1: 0 Heegan S.C

10/03/2014 Heegan S.C 0: 2 Banadir S.C

10/03/2015 Banadir S.C 0: 0 Heegan S.C

09/06/2015 Heegan S.C 0: 2 Banadir S.C

29/01/2016 Heegan S.C 0: 0 Banadir S.C

15/04/2016 Banadir S.C 1: 1 Heegan S.C


Ogeysiiska Kulanka

Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2016-2017

Kooxaha:-Heegan VS Banaadir SC

Tariikhda:-13-02-2017

Maalinta:-Isniin

Cimiladda Kulanka: - 30°/24°

Qiimaha Kulanka:-10.00 Shilling Somali

Saacada:-3:30 pm

Garsoorka:-Xasan Maxamed Xaaji

Garoonka:-Banaadir Stadium Satdium

Maxamed Xuseen Qalinle

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip