Wax Walba Oo Aad dooneyso In Aad Ka Ogaato Ciyaaraha Dhacayo Ee Horyaalka Soomaliya.

0
Tuesday February 14, 2017 - 10:26:28 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Walba Oo Aad dooneyso In Aad Ka Ogaato Ciyaaraha Dhacayo Ee Horyaalka Soomaliya.

    14-02-2017

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

14-02-2017



Kooxaha kubbadda cagta Elman iyo Waxool,Gadiidka iyo Horseed ayaa wada ciyaridoono Horyaalka Soomaliya 2016-2017.


Elman iyo Waxool waxa ay ku balan sanyihiin garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan,halka Gadiidka iyo Horseed ay iyagan ku ciyaaridoonaan garoonka Banaadir Stadium ee degmada Cabdi Casiis.


Elman waxa ay ciyaartay labo kulan kulankii kowaad waxa ay 2-0 ugu badiyeen kooxda Heegan ciyaar dhex martay 18-11-2016,halka kulankii Labaad ay la ciyaartay dhigeeda Banaadir SC ciyaar ay wada ciyaareyn 25-11-2016,xili elman 2-0 lagu dharbaaxay.

Waxool iyadana labo kulan ayay ciyaartay waxa ay la ciyaartay Horseed iyo Moqdisho Uinted,kulankii kowaad waxa ay la ciyaareyn horseed ciyaar ku dhamaatay 2-1,halka kulankii Labaad ay 4-1 ugu badiyeen kooxda Muqdisho United ciyaar ay wada ciyaareyn 29-11-2016.



Elman waxa ay hada ku jurtaa Booska 5-aad iyadoo leh 3-dhibcood,halka Waxool ay fadhiso Booska 4-aad iyadoo leh 3-dhibcood.


Kooxaha Gadiidka iyo Horseed waxa ay horay usoo ciyaareyn min labo kulan Horseed kulan kowaad waxa ay ka badisay kooxda Waxool ciyaar ku dhamatay 2-1,halka kulankii Labaad ay barabaro la dhaafi waasay kooxda Bariga Dhexe.


Naadiga Gadiidka iyagana labo kulan ayay ciyaareyn kulankii kowaad waxa ay la kulmeyn Jeenyo ciyaar dhexmartay 20-11-2016 waxa ay ku kala baxeyn Barbaro 2-2,kulankii Labaad waxa ay la kulmeyn Dekedda ciyaar dhaxmartay 26-11-2016 iyagoo ku kala baxay barbaro 1-1.


Horseed waxa ay ku jurtaa booska 3-aad ee kala sareynta Horyaalka waxa ay lee dahay 4-dhibcood,halka Gadiidka ay iyadan fadhiso booska 7-aad iyadoo leh 7-dhibcood.

Is Araga kooxaha Elman VS Waxool

20/01/2016 Waxool FC 0:4 Elman FC

28/03/2016 Elman FC 3:0 Waxool FC

Is Araga kooxaha Gadiidka VS Horseed

27/01/2016 Horseed S.C 0:2 Gaadiidka

13/04/2016 Gaadiidka 0:0 Horseed S.C

15/01/2015 Gaadiidka 0:1 Horseed S.C

09/04/2015 Horseed S.C 1:3 Gaadiidka

14/01/2014 Gaadiidka 2:2 Horseed S.C

14/03/2014 Horseed S.C 3:2 Gaadiidka

Ogeysiiska Kulanka

Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2016-2017

Kooxaha:- Elman VS Waxool-Jamaacadaha Stadium

Kooxaha:-Gadiidka VS Horseed-Banaadir Stadium

Tariikhda:-14-02-2017

Maalinta:-Talaado

Saacada:-3:45pm

Cimiladda Xiliga Ciyaarta: - 31°24°

Qiimaha Kulanka:-10-Shilling Somali

 

 

Maxamed Xuseen Qalinle


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip