Baro 10 ciyaaryahan oo badalay dhalashadooda si ay dalalkale u matalan fursadna uga helaan tartamada caalamiga

0
Friday February 17, 2017 - 10:12:43 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 4569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Baro 10 ciyaaryahan oo badalay dhalashadooda si ay dalalkale u matalan fursadna uga helaan tartamada caalamiga

    Jimco- Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco- Yurub


Waxaa halkan idiinkugu soo gudbineynaa 10 laacib oo kubadda cagta qaaradda yurub ka ciyaara kuwaa oo badaladay go'aano ay ku matali lahaayeen xulalka dalalki ay u dhasheen isla markaana dalka kale maaliyadooda gashtay , qara aka mid ah guulo ayay la qeyb sadeen halka kuwa kale ay ku hubngoobeen,


Haddaba halkan ka aqrsio liiskan

#10. Pepe

Halyeeyga reer Portugal ayaa Portugal usoo dhaqaaqay isagoo 18 jir ah, waloow aan marnaba looga yeerin Xulka Brazil, waxaa dhowr jeer 2006 lasoo xiriiray Dunga si uu ugu qanciyo, basle waxuu isaga doortay inuu xulka Portugal u ciyaaro.

#9. Thiago Motta

Laacibkan booska dhexe ayaa xulka Brazil u ciyaaray da'yarta 23 jirada iyo koobka CONCACAF Gold Cup., basle waxuu 2012 go'aansaday in uu Italy matalo, waxaana la tilmaama awoowahiis uu kasoo jeedo Italy.,sidoo kale Koobka adduunka 2014 ayuu Azzuri u ciyaray laacibkan.

#8. Jonathan De Guzman

Laacibkan asal ahaan kasoo jeeda jamaica iyo Filipino waxuu ku dhashay Canada, waxuuse usoo dhaqaaqay Netherland halkas uu ku biiray da'yarta Feyenoord halkaas ayuuna markii dambe doortay inuu Netherland matalo.

#7. Kevin Prince Boateng

Boateng waa laacibka la dhashay daafaca Bayer Munich Jerome Boateng. Germany ayuu ku dhashay laacibkan ,waxuu usoo dheelay da'yarta Germany 19 iyo 21 jirada, basle waxuu 2010 qaatay Passpor-ka dalka Ghana, oo ah halka aabihii kasoo jeedo waxuuna isla sanadkaas u ciyaaray Xulka Ghana koobka qaramada Afika ee lagu qabtay dalka Kooufur Afika.

#6. Luis Nani

Hadda waxuu ka tirsan yahay kooxda Valencia, Nani waxuu ku dhashay Jaziiradda Cape Verde, waxuu matali karay xulka dalkaasi yar, waxuuse doortay inuu Portugal u ciyaaro.

Laacibkii hore ee Manchester United ayaa Portugal u saftay 100 kulan isagoo sanadki tagay kula guuleystay Euro 2016.

#5. Aiden McGeady

waxuu ku dhashay kuna soo barbaraaa Scotland, McGeady waxuu ku biiray Celtic halkaas uu laacib wax gal ah uu ka noqday, maadaama uusan u ciyaarin koox heer iskuul ah, uma uusan ciyaari karin Schothland sida uu sharcia qabo, waxuuna doortay inuu Xulka Ireland ku biiro waxuuna uga mahad celinaya qoyskiisa qayb ahan kasoo jeeda Ireland.

#4. Taulant Xhaka

Taulant Xhaka waa laacib xulka Albanian u ciyaara kaasoo walaalkiisa Granit Xhaka uu isna u ciyaaro xulka Swiss-ka labadaba waxay ku dhasheen Switzerland ,Granit waxuu doortay inuu u dheelo xulka halkii uu ku dhashay, waxaase taa badalkeeda Taulant go'aansaday inuu matalo halkii uu kasoo jeeday,, waxayna labda laacib isaga horyimaadeen ciyaarihii euro 2016 ee ka dhacay dalka Faransiiska.

#3. Neven Subotic

Sababo badan oo jira kiiska Neven Subotic wuu ka duwan yahay ciyaartoydii aynu kasoo waranay, qoyskiisa waxay usoo qaxeen Germany markii ay dagaaladii Bosnia qarxeen, basle 1999 waxaa dhacay sharcigii daganaansha dalkaas, waxayna u guureen Mareykanka, ka hor intii aysan kooxda Mainz kusoo celin dalka Germany waxuu laacibkan u ciyaaray da'yarta 17 iyo 20jirada dalka mareykanka, waxuu ugu dambayn 2009 u ciyaaray Serbia oo ilaa hadda qeyb ka yahay.

#2. Giuseppe Rossi

TaariikhdaGiuseppe Rossi waa mid uu ka shaleynayo qaladaadkii uu sameeyay, laacibkan waxuu ku dhashay magaalada New Jersey ee dalka mareykanka waxaana dhalay qoys Talyaani ah, waxuu go'aansaday inuu Italy u ciyaaro, basle halka u wanaagsan waxay ahayd Mareykan uu fursad wanaagsan ka heli karay, waxaa intaa kadib hareeyay dhaawac sababay inuu waayo u ciyaarista Italy, waxayna dalka ka faloda isboortiga ay tilmaameen in haddii uu mareykan dooran lahaa xitaa dhaawacyo hasoo gaareene uu fursadiisa dib u heli lahaa.

 

#1. Diego Costa

Laacibka ugu dambeeyay ee qeybtan kusoo qaaadaneyno waa weeraryahanka kooxda Chelsea Diego Costa , waxuu ku dhashay dalka Brazil, inkasta uu sameeyay bandhig wanaagsan, lama siin fursad uu Brazil ugu ciyaaro basle laba kulan oo ciyaaro saaxiibtinimo ah ayaa lagu daray xulka, waxuuna shacriga Fifa u ogaalday inuu matali karo xulka Spain haddii uu qaato Passpor-ka dalka Spain. taas uu helay 2013, waxuuna go'aansday in Xulka Spain matalo.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip