Wayne Rooney oo Usbuuc gudihiis uga tegaya Manchester United, sababtu maxay tahay?

0
Sunday February 19, 2017 - 07:14:09 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 1662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wayne Rooney oo Usbuuc gudihiis uga tegaya Manchester United, sababtu maxay tahay?

    Axad--Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad--Manchester

Manchester United ayaa diyaar u noqon karta in ay oggolaato in Wayne Rooney uu bishaan gudaheeda ku biiro horyaalka Chinese Super League ka hor inta aysan daaqadda kala iibsiga horyaalkaas xirmin dabayaaqada February.


Laacibka xulka England mustaqbalkiisa Old Trafford waxaa uu ahaa mid aad loo hadal hayay wixii ka horreeyay Janaayo, balse warbaahintu aad ugama aysan hadlin tan iyo markii uu xirmay suuqii Yurub ee kala iibsiga.



Suuqa kala iibsiga horyaalka China ayaa sii furnaan doona tan iyo dhammaadka February wuxuuna xirmaa sida caadiga ahba 28-ka bisha oo ah maalinka u dambeysa bisha, waxay taasi la macno tahay in Rooney uu 9-ka maalmood ee ka dhimman bishan ugu biiri doono horyaalka Shiinaha, sida ay warisay Daily Telegraph.


Jose Mourinho ayaan fursad safasho u heli Karin kabtan Rooney, wuxuuna 31-jirkan go’aan ku gaaray in uu isaga dhaqaaqo kooxda Shayaadiinta Cas-cas.


Rooney ayaa qaadan doona mushaar dhan £32milyan Sanadkiiba haddii uu aado Bariga Fog, xilli ay doonayaan kooxo ay ka mid yihiin Beijing Guoan iyo Guangzhou Evergrande.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip