Rasmi:-Cali Buu Oo Iska tagay Kooxda Waxool,Ka Dib Guul Daro Kasoo Gaartay Bariga Dhexe

0
Wednesday March 01, 2017 - 11:28:45 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasmi:-Cali Buu Oo Iska tagay Kooxda Waxool,Ka Dib Guul Daro Kasoo Gaartay Bariga Dhexe

    Arbaco-Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Muqdisho


Macalinka kooxda Waxool Cali Mohamed Cai (Cali Buu) ayaa iska casilay xilkii tababarnimo ee kooxda Waxool,ka dib markii Isniinta lasoo dhaafay kooxdiisa Waxool ay guul daro kala kulantay kooxda ka dhisan Shabellaha Hoose ee Bariga Dhexe,iyagoo garoonka Jamaacadaha degmada Hodan ku ciyaaray kulan ciyaareed ka tirsan Horyaalka Soomaliya 2016-2017.


 

 

Macalinkii hore kooxaha Banaadir SC, Saxafi Dekedda iyo Horseed ayaa la hadlay Gool FM,waxuuna u sheegay in uu ka tagay kooxda Waxool uu leelinayay tan iyo bishii October sanadkii 2016,isagoo xilkaas kala wareegay Macalin Cumar Caruus oo horay maamule u ahaa kooxda Waxool,balse hada ah tabaraha naadiga Horseed



 

"Waxool waxaa jooga maamul wanaagsan laakiin waxaa shaqadooda gudan waayay ciyaartooyda ayuu macallin Cali Buu u sheegay Gool FM.

Macallin Cali ayaa sheegay in sababta ugu weyn uu isku casilay ay tahay in ciyaartooyda aysan kasoo baxin waajibaadkii loogu baahnaa oo ahaa in ay kooxda usoo hooyaan guuulo

Hadaba shantii kulan oo leeliyay xagaagan Macalin Cali Buu kooxda Waxool afar ka mid ah waa laga badiya,halka hal kulan ay badisay kooxdiisa Waxool,isagoo kulankaas ka badiyay kooxda Muqdisho United.

 

Natiijooyinka Kooxda Waxool Shantii Kulan Ugu Horeesay Horyaalka

23/11/2016 Horseed S.C 2:1 Waxool FC

29/11/2016 Mogadishu United 1: 4 Waxool FC

14/02/2017 Elman FC 5: 2 Waxool FC

21/02/2017 Heegan S.C 2: 0 Waxool FC

27/02/2017 Waxool FC 0:1 Bariga Dhexe


Si kastaba macalin Cali Buu ayaa sandkii 2015 kooxda Hosreed kula guleystay koobka Janeraal Da’uud iyo Super-Cup Soomaliya,isagoo labada koob bishii December ka qaaday kooxda Heegan oo si weyn ay u xifaaltamaan kooxda Horseed.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip