Maxaa Jecesahay In Aad Ka Ogaato Warta Nabadda Derby?

0
Sunday March 05, 2017 - 19:40:23 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Jecesahay In Aad Ka Ogaato Warta Nabadda Derby?

    Axad-Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Muqdisho


Kooxaha kawada dhisan degmada Warta Nabbada ee kala ah Jeenyo iyo Banaadir SC ayaa ku balansan gegida Banaadir Stadiuum ee degmada Cabdi Casiis, iyagoo wada ciyaaridoono kulan ciyaareedkii 35-aad ee Horyaalka Soomaliya 2016-2017.

Banaadir SC iyo Jeenyo ayaa 30-September 2016 wada ciyaaray heerka Group-yada koobka Janeraal Daa’uud,xili wiilasha Jeenyo ay 1-0 ku garaaceyn dhigooda Banaadir SC waxaana gool laad toos ah ama (Free Kick) Xasan Cabdi Nuur Geesay (Xasaasi) oo qadka dhexe ugu ciyaara Jeenyo




Maxaa Cusub Labada Koox

  • Jeenyo lixdii kulan ee ugu dambeeysay ee horyaalka Soomaliya ma aysan qasaarin,xili 5- kulan ay barbaro ku daah furtay horyaalka,iyadoo badisay hal kulan waxayna ka badisay kooxda Horseed,Jeenyo waxa fadhisaa booska 7-aad waxayna lee dahay 8-dhibcood.

 

  • Banaadir SC lixdii kulan ugu dambeeyay horyaalka Soomaliya ma aysan la kulmin wax guuldaro ah,iyadoo guulaystay 5-kulan,halka ay hal kulan barbaro gashay,Banaadir SC waxa ay ku jurtaa booska 1-aad,iyadoo leh 16-dhibcood.


  • Hogaamiyaasha labada koox ee kala ah Salaad Faarax Xasan iyo Xuseen Mblangu tan xagiigii 2015 waxa ay wada kulmeyn lix jeer 3-kulan waxa ay ku kulmeyn Horyaalka Soomaliya,halka 3-kulan ay isku arkeyn koobka Janeraal Daa’uud iyo Somali Super Cup

 

  • Tababare Mblangu Hussein oo ah hogaamiyaha Banaadir SC ayaa afar kulan ka badiyay Macalin Salaad Faarax oo ah leeliyaha Jeenyo, 3-kulan oo xariir ah oo ka tirsan horyaalka ayuu garaacay Macalin Salaad,halka kulankii afaraad uu ahaa Somali Super Cup 2016.

  • Macalin Salaad Faraax Xasan oo ah tababaraha Jeenyo,isagana labo kulan ayuu dharbaaxay dhigiisa Mblangu labadaas kulan waxa ay kala ahaayeen is aragii heerka group-yada ee Janeraal Daa’uud,iyo fiinalaha koobka Janeral Daa’uud 2016.

 

  • C/Casiis Catoosh ayaa seegaya kulanka,isagoo kooxdiisa Jeenyo iyo taageeryaasha macsalaameeyay 30-October 2016,xili uu ku biiray kooxda Dekedda.

 

  • Kooxda Horyaalka diifacanaysa ee Banaadir SC waxaa guul daro ugu dambeeysay 13-05-2015,xiligaas oo ay guul daro kala kulantay kooxda Dekedda,xiligaasna waxaa Macalin u ahaa Macalin Cabdi Weli Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon).

·Banaadir SC waxaa kulanka ka maqan Mustaf Maxwell oo (No.23), isagoo kaga maqan karaka caasan iyo kabtanka Daadir Amiin Cali oo dhaawac ah,halka Jeenyo uu ka maqan yahay Feysal Xasan Xaashi oo isagana ku maqan kaarka casaanka.


Is Araga Kooxaha Banaadir SC VS Jeenyo Ee Horyaalka Soomaliya

·16/07/2012 Banadir SC 1:1 Jeenyo FC

·30/10/2012 Jeenyo FC 1:0 Banadir SC

·17/01/2014 Banadir SC 1:1 Jeenyo FC

·21/03/2014 Jeenyo FC 1:1 Banadir SC

·04/03/2015 Banadir SC 0:3Jeenyo FC

·01/06/2015 Jeenyo FC 1:2 Banadir SC

·22/01/2016 Banadir SC 2:0 Jeenyo FC

·08/04/2016 Jeenyo FC 2:3 Banadir SC

6-Kulan Horyaalka Soomaliya Iyo Natiijooyinka Banaadir SC

·21/11/2016 Mogadishu United1:3Banadir SC

·13/02/2017 Heegan SC 0:0Banadir SC

·25/11/2016 Elman FC 1:2Banadir SC

·17/02/2017 Banadir SC 3:0Waxool FC

·23/02/2017 Banadir SC 5:1Bariga Dhexe

·28/02/2017 Banadir SC 2:1Gaadiidka

6-Kulan Horyaalka Soomaliya Iyo Natiijooyinka Jeenyo

·20/11/2016 Gaadiidka 2: 2 Jeenyo FC

·24/11/2016 Jeenyo FC 1:1 Heegan S.C

·13/02/2017 Jeenyo FC 2:2 Dekedda

·17/02/2017 Jeenyo FC 1:0 Horseed

·23/02/2017 Jeenyo FC 2:2 Mogadishu

·28/02/2017Jeenyo FC 1:1 Elman FC

Ogeysiiska Kulanka

Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2016-2017

Kooxaha:-Banaadir SC VS Jeenyo

Magaca Kulanka:-Derby Wart-Nabbadda

Tariikhda:-06-03-2017

Maalinta:-Isniin

Saacada:-3:45pm

Qiimaha Kulanka:-10 Shilling Somali

Cimilimadda Xiliga Ciyaarta: 30°-25°

Garoonka:-Banaadir Stadium

Maxamed Xuseen Qalinle



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip