Man United oo digniin u dirtay taageerayaasheeda

0
Monday March 06, 2017 - 22:39:24 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United oo digniin u dirtay taageerayaasheeda

    Isniin- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Manchester



Red Devils waxey Taageera-yaashooda kaga digtay iney xirtaan astaan muujineysa kooxda, sidoo kalana waxaa loo sheegay ineysan sameyn soo jiidasho si aan loo bartilmaameedsan.


 

Baqdin xoog leh ayaa jirta madama kooxda ka dhisan horyaalka Ingiriiska ay aad cabsi uga qabto in taageera yaaesha ay bartilmaameed ka dhigtaan kooxaha rabshadaha kiciya ee loo yaqaano "Hooligans”



 

Sidoo kale cabsida xoogan ee jirta ayaa ah iney wali rabsho wadayaashii reer Russia ee France dhibaatada iyo mashaqada ka dhigay ay Ingiriis ahaan u bartilmaameedsadaan Taagerayaasha Red Devils.


 

Kooxda waxey rajeyneysaa in boqolaalka taageero ee u safraya Russia ay raacaan awaamiirta booliska isla markaana aysan ka dhex bixin wareega booliska kuwaas oo amaankooda sugi doona.


 

Warqadaan oo ay heshay Sportsmail, waxey aheyd mid ay Man United ugu tala gashay iney digniin ku siiso qof walba oo u safraya halkaas isla markaana aysan dhayalsan.


 

"Kaliya maahan taageerayaasha kubadda cagta ee kaa soo horjeeda kuwa la filayo iney qatar ku noqdaan nabad galyadaada” ayaa ka mid ahaa qoraalkii warqadda.


 

W/D Abdirahman Abduqadir Maankiz




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip