Carlos Tevez oo ay 35-daqiiqo ku qaadatay in uu goolkiisii koobaad ka dhaliyo horyaalka Shiinaha

0
Tuesday March 07, 2017 - 10:02:39 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carlos Tevez oo ay 35-daqiiqo ku qaadatay in uu goolkiisii koobaad ka dhaliyo horyaalka Shiinaha

    Talaado--Shanghai

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado--Shanghai

CARLOS TEVEZ ayaan khasaare ka dhigin mushaarka qaaliga ah ee uu toddobaadkiiba ku qaadanayo £615,000, kaasoo uu kula jiro kooxda Shanghai Shenhua, waxaa uu dhaliyay kaliya 35 daqiiqo keddib markii uu saftay kulankiisii u horreeyay ee Chinese Super League.


Laacibka dalka Argentine ee weerarka ka ciyaara hadda waa 33-jir, waxaa uu ka dhaqaaqay kooxdii uu kusoo barbaaray ee Boca Juniors wuxuuna aaday horyaalka China si uu lacagta adduunka ugu badan ee ciyaartoy Mushaar u qaato halkaas uga soo shaqeysto.



Safashadiisii koobaad ee guud ahaan ciyaaruhu waxay aheyd kulankii Asian Champions League, waxaana looga badiyay 2-0 - Tevez ayaa maanka ku hayay in Chinese Super League uu cashar ka dhigi doono.


Keddib markii Giovanni Moreno uu dhaliska u billaabay kooxda Shanghai Shenhua - Tevez ayaa markaas caawiyay – ha yeeshee China kooxda ka dhisan ayaa rigoore heshay daqiiqaddii 35-aad.


Tevez ayaa qaatay oo gool u beddelay, wuxuuna diray goolhayaha kooxda Jiangsu Suning kaasoo meel qaldan ka doontay kubbadda.


Mao Jianqing ayaa dhaliyay goolka 3-aad, ka hor inta uusan Tevez sameynin Caawintiisii labaad ee kulanka, waxaana sii raacsaday Moreno oo mar kale gaaray shabaqa Shenhua – oo uu hoggaamiyo Gus Poyet - kooxda Jiangsu Suning ayaa lagu diray 4-0.


Kooxda khasaartay waxaa kulanka ugu jiray laacibkii hore ee Chelsea Ramires oo ka yimid Stamford Bridge – si waliba wax wanaagsan uma aysan aheyn Natiijadii ay halkaas kala kulmeen.


Saaxiibkiis Alex Teixeira ayaa sidoo kale ay u aheyd maalin aan la illoobin, markii khasaarahaas uu kooxda qabsaday, waxaana roose looga saaray ciyaarta dhammaadkeedii markii uu Jaallaha labaad ee kulanka qaatay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip