Walaalka laacibka Man Utd, Marcos Rojo oo la Toogtay, Muxuu halleeyay?

0
Tuesday March 07, 2017 - 16:28:11 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 1977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Walaalka laacibka Man Utd, Marcos Rojo oo la Toogtay, Muxuu halleeyay?

    Talaado--Buenos Aires

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado--Buenos Aires

Wiil ay Ilmo adeer yihiin Man United difaaceeda Marcos Rojo ayaa u dhintay xabbad uu ku dhuftay sarkaal hore oo Booliska Argentina ka fariistay, markii wiilkaas iyo saaxiibkiis ay isku dayeen in ay dhac u geystaan.


Geronimo Rojo, waxaa uu ahaa 17-jir, wuxuu ku dhintay Isbitaalka 7 saacadood keddib markii la keenay Subaxnimadii Isniinta waxay isaga iyo saaxiibkiis isku deyayeen in ay dhacaan ninkan booliska ahaan jiray.



Ninka ay saaxiibada yihiin waxaa lagu magacaabi jiray Ivan Rodrigo Barbosa, kaasoo 26-jir ahaa.


Labada ninba waxaa dilay Raul Anibal Diaz, waxaa uu yahay 50-sano jir, dilkoodu wuxuu dhacay marka ay 10:00pm fiidnimo ee Axaddii waqtiga Argentina ay aheyd, markii Sarkaalkan howlgabka ah oo Banki kala baxayay lacag Kaash ah ayay isku dayeen in ay dhacaan iyagoo sitay Mooto nuucaga labada lugood leh ah, dhacdadaas waxay ka dhacday halka uu ku dhashay Rojo oo ah La Plata taasoo saacad gaariga ah looga socdo koofurta Bari Caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip