Manchester United oo weli aan heli doonin Adeegga Rooney iyo Martial, Ogoow sababta

0
Thursday March 16, 2017 - 01:10:22 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United oo weli aan heli doonin Adeegga Rooney iyo Martial, Ogoow sababta

    Khamiis- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis- Manchester



Manchester United ayaan weli heli Karin adeegga xiddigaheeda Anthony Martial iyo Wayne Rooney xilli ay khamiista la kulmayaan ciyaar Europa League ah kooxda Rostov sabab dhaawacyadooda la xiriirta, Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay.


Labaduba waxay seegeen kulankii United ee 1-0 looga reebay kooxdan koobka FA Cup kaasoo ay la qaateen Chelsea Isniintii, waxaase la filayay in kulanka Khamiista ay caafimaad qab noqon doonaan kulanka Old Trafford.



Zlatan Ibrahimovic — oo ganaaxnaa kulankii Stamford Bridge — waa wejiga kaliya ee ku cuboonaan kara kulanka isla markaana maqnaa ciyaartii hore.

"Martial ayaa dhaawacnaa kulankii Chelsea haddana ma ciyaari karo," Mourinho ayaa ku sheegay shirkiisii Jaraa’id.


"Haddii aad weli dhaawacantahay sida kulankii Isniinta, weli waad dhaawacantahay Talaadada subaxeediina ma aadan imaan tababarka, marka ma jirto sabab laguu ciyaarsiin karo Khamiista.


"Rooney ayaa sidoo kale weli dhaawacan, waxaana laga haraatiyay Jilibka Agtiisa, isaguna garoonka ma imaan karo. Waxaa uu la joogi doonaa waaxda Caafimaadka.


"Waxaan heysannaa ciyaartoydii aan ku wajahnay Chelsea, kaliya waxaa noo dheer Ibrahimovic.


"Waa war weyn in aan heysanno kulankan Ibra, balse uma oyneyno kuwa aynaan heysan. Hadda waa uu ciyaari karaa balse kulanka ku xiga maya. Dhib malahan taasina."


United ayaa lagu hakiyay garab dhac 1-1 ah lugta hore ee wareegga 16-ka, waxaana Aleksandr Bukharov uu bareejeeyay goolka hore oo ka yimid Henrikh Mkhitaryan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip