Bauza: Argentina kuma tiirsana Messi

0
Friday March 24, 2017 - 10:39:20 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bauza: Argentina kuma tiirsana Messi

    Jimco--Buenos Aires

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco--Buenos Aires

Edgardo Bauza ayaan rumeysneyn in Argentina ay ku tiirsantahay waxqabadka Lionel Messi keddib markii kabtanku uu dhaliyay rigoore ay xulkiisu uga badiyeen Chile.


Messi ayaa dhaliyay rigoore waqti hore timid, taasoo Argentina u sahashay Jimciha in ay CONMEBOL is reereebka koobka Adduunka ay ku garaacaan xulka heysta South American koobka laga ciyaaro ee Chile ciyaar ku dhammaatay 1-0 oo ka dhacday Buenos Aires.


Waxay u aheyd habeen wacan ninka 5-ta mar heysta Ballon d'Or wuxuuna dhaliyay goolkiisii 58-aad ee heer qaran ah, waxaana ay taasi ka caawisay Argentina in ay u dhaqaaqaan kaalinta 3-aad – 8 dhibcood iyadoo ka hooseeya Brazil.



Mar wax laga weydiiyay xaaladda Messi iyo muhiimaddiisa Argentina, Bauza ayaa wariyeyaasha u sheegay: "Anigu uma maleynayo in xulkeennu ku tiirsanyahay Messi.


"Waxaan ogahay in ciyaartoydu kulan wacan ciyaareen. Waqtiga shaqada, waxaan noqon doonnaa kuwo shaqadooda laba jibbaara."


Messi wuxuu dhaliyay 16-daqiiqo rigoore loo dhigay, waxayna aheyd South American xulkooda xoogga badan kooxda ay garaaceen, Estadio Antonio Vespucio Liberti ciyaartii ka dhacday.


Garsooraha ayaa rigoore u dhigay markii Jose Fuenzalida uu dhulka ku riday Angel Di Maria iyadoo diilinta ganaaxa la joogo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip