Ganaaxa Lionel Messi oo Weji kale yeeshay, maxaa kasoo kordhay?

0
Friday April 07, 2017 - 13:48:13 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 1350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganaaxa Lionel Messi oo Weji kale yeeshay, maxaa kasoo kordhay?

    Jimco--Buenos Aires

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco--Buenos Aires

Qareenka u qaabilsan inuu kaga doodo Lionel Messi dacwada ku aadan ganaaxii kaga yimid FIFA in AFARTA kulan uu kaga maqnaado xulkiiisa Argantina iyadoo ay intaas sii dheertahay lacago ganaax ee gaarsiisan ilaa iyo $ 10 kun dollars ee Juan de Dios Crespo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday arima madan ee ku aadan dacwada Lionel Messi.


Messi ayaa si weyn loogu eedeeneayaa inuu aflagaado u geystay caawiyaha garsoorka kulankii xulalka Argantina iyo Chile ee ka tirsanaa kulamada isreeb reebka koobka aduunka sanada 2018 ee ka dhici doona dalka Rusia, kahor inta aysan FIFA ganaaxa gadhka u surin Lionel Messi.



Juan de Dios Crespo ayaa wuxuu u sheegay wargeyska "Sport" : "waxaan mar hore u diray FIFA fariin ka socota xidhiidhka kubada cagta dalka Argantina, hadana markale ayeey kaga timid fariin kale, mana jiraan wax xal ah ee ku aadan ganaaxa AFARTA kulan ee looga qaadan karo racfaan maadaama aanan wax jawaab ah kasoo bixin FIFA”.


Masuulkan ayaa wuxuu sidoo kale hadalkiisa intaa ku sii daray: "ololaha ay ku doonayaan in racfaan ay kaga qaataan xidhiidhka kubada cagta ee Argantina ayaa ah mid aad u wanaagsan, waxaana jeclaan lahaa in FIFA ay sida ugu dhaqsida badan ay ku bilaawdo dacwad qaadista, taasoo suuragal noqon karto in meesha ay ka timaado xal wanaagsan”.


Juan de Dios Crespo ayaa wuxuu sidoo kale hadalkiisa intaa ku sii daray: "waxaa haatan dareemeynaa nasiino iyo raaxo wanaagsan sababtoo ah kulanka xiga ee xulka Argantina waxaa ka harsan mudo fog oo wax kastaa lagu sameyn karo”.


Lionel Messi ayaa seegay kulankii isreeb reebka koobka aduunka soo aadan ee dhawaan xulka Argantina ay guuldarada kala kulmeen dhigooda Bolivia, wuxuuna kulankii ugu horeeyay uu ganaaxa kaga maqnaado xulkiisa xili kulankaas xulkiisa lagu dubtay 2-0.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip