Laacib ka tirsanaa xulka Panama oo la toogtay dhintayna

0
Sunday April 16, 2017 - 06:54:35 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laacib ka tirsanaa xulka Panama oo la toogtay dhintayna

    Axad--Panama City

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad--Panama City

Laacibkii waaya Aragga ahaa ee xulka Panama iyo kooxda Arabe Unido ee khadka dhexe Amilcar Henriquez ayaa xabad lagu dhuftay u dhintay isagoo dalkiisa jooga.


Henriquez – ayaa qarankiisa safkooda kasoo muuqday 75 kulan – waxaana lagu dilay Nuevo Colon, oo ah magaalo ka tirsan gobolka Colon Sabtidii.


Ninkan oo 33-jir ahaa ayaa la wariyay in Isbitaalka loola cararay weliba Isbitaal ku yaalla xaafadda Sabanitas balse ma aysan sahlanaan in la badbaadiyo.



Xiriirka kubbadda cagta ee dalka Panama Football Federation (FEPAFUT) iyo LPF qoraal kasoo wada baxay oo aysan kooxda Arabe Unido ka marneyn ayaa waxay tacsi u direen Henriquez.


"Waxaan ka qoomameyneynaa geerida laacibka noogu doorranaa xulka Amilcar Henriquez," xiriirka FEPAFUT ayaa kusoo qoray bartooda Twitter.


Arabe Unido ayaa tiri: "waxaan ka qoomameyneynaa geerida laacibkeennii Amilcar Henriquez, ciyaartoygii dooqa koobaad noo ahaa, kaasoo geeriyooday."


Xulka Qaranka ee Mexico ayaa sidoo kale tacsi u diray laacibkan, waxayna soo qoreen: "Waxaan qabuurta kula biireynaa walaalaheen Panama. Sii nabad ahaaw, Amilcar Henriquez."


Henriquez – ayaa safka xulkiisa soo galay sanadkii 2005 – waxaana uu kasoo muuqday Panama is reereebka ay ugu jirtay ciyaarista koobka Adduunka ee sanadka dambe 2018 Russia ka dhici doona, waxaana uu ciyaarayay 1-1 garab dhac ah kulankii ay la galeen United States bishii hore.


Waxaa uu sidoo kale ku laabtay kooxdiisii uu yaraanta kusoo baxay ee Arabe Unido Sanadkii hore, xilli uu waqtiyo wacan kusoo kala qaatay America Cali, Real Cartagena, Independiente Medellin, Atletico Huila iyo Santacrucena.


Weli lama helin faafaahin la xiriirta cidda ka dambeysay dilka laacibkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip