7 Dhacdo taariikhi ah oo laga bartay Guushii United ka gaartay Chelsea, Mourinho, Herriera iyo Rashford oo qeyb ka ah

0
Sunday April 16, 2017 - 21:56:03 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 5088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    7 Dhacdo taariikhi ah oo laga bartay Guushii United ka gaartay Chelsea, Mourinho, Herriera iyo Rashford oo qeyb ka ah

    Axad- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Manchester

Manchester United ayaa laba gool oo ay ka heshay Rashford iyo Herriera ku dubatay Hogaamiyaasha Horyaalka Cheslea, waxaana  kulanka laga soo calaamdeeyay 7 dhacdo oo taariikhi ah,


 Haddaba halkan ka aqriso


1- Jose Mourinho ayay guushan uga dhigan tahay in uu ugu yaraan hal guul ka gaaray 34 koox oo uu Premier league kaga hortagay isagoo macalin ah.


2-Ander Herrera ayaa marki u horeysay gool dhaliyay goolna caawiyay tan iyo Oktoobar 2015 oo ay kooxdisa xilligaa la dheeshay Everton.



3-Goolki Rashford ayaa ahaa kii ugu dhaqsiyaha badnaa ee Cheslea laga dhaliyo kulan horyaalka katirsan tan iyo December 2013 waxaana ka dhaliyay (Skrtel, oo daqiiqadi 3 u dhaliyay Liverpool.


 

4-Cheslea ayaa kulanki 10 oo xiriir ah gool laga dhalinayaa horyaalka iyadoo shabaqeeda ilaalin weysay waxaana u dambeysay 1996 oo 13 kulan ay gool ka iilalin wayday shabaqeeda.


5-Rikoodhka gooldaro la’aanta ee Manchester United ayaa gaaray 22 kulan 12 guul iyo 10 barbaro waa markii ugu dheeraa oo ay koox sidaa sameyso, waxaana ka horeeyay isla United oo aan guuldaro la kulmin 24 kulan xilli ciyaareedki 2010-11.


6-Ka hor guuldaran Cheslea ayaa United wax guuldaro ah kala kulmin 8 kulan oo horyaalka ah 4 guul iyo 4 babaro , marki u dambeysay oo la garaaco waxay ehayd Oktoobar 2012.


7- Cheslea ayaa xitaa hal fursad bartilmaameedka la heli weysay kulanka, waxaana  u dambeysay tan iyo December 2007 xilligaa oo ay isla United Old Traford kula ciyaartay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip