Hogaamiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta CAf Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweyay Caasimada Muqdisho

0
Monday April 17, 2017 - 12:47:50 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 428
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta CAf Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweyay Caasimada Muqdisho

    Axad-Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Muqdisho


Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee Bisha Maarso ku guleystay hogaanka sare ee Caf ayaa soo gaaray Muqdisho,isaga iyo wafdi badan oo hogaaminaya ayaa hada ku sugan garoonka Stadium Muqdisho,waxaana laga yabaa in caawo ku hooydo caasimada Muqdisho.


Mudane Axmed Axmed waxa uu jiraa 57-sano waxa uu u dhshay dalka Madagascar, 16-kii bishii hore ayaa xilkan loo doortay, waxaana 34-cod kaga guulaystay Ciisa Xayaatu oo isagana helay 20-cod,xili Xayatu hogaaminta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika hayay tan iyo 1988,isagoo kaalin weyn ka qaatay horomarinta kubbadda qaarada Afrika.



Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika mudane Axmed Axmed iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaarahada ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaliya Khadija Mohamed Diriye, wasiirka amniga iyo qaranka Mohamed Abukar Islow,wasiirka warfaafinta Cabdiraxman Cumar Cusman,madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Soomaliya C/qani Saciid Carab iyo xubno ka mid ah xiriirka kubbadda cagta Soomliya.


mudane Axmed iyo wafddigiis ayaa booqasho kala duwan kumaraya garoomada kala duwan ee dalka,Stadium Muqidhsho,Banaadir Stadium iyo Jamaacdaha Stadium,xili kooxaha kala duwan dalka iyo bahda ciyaaraha ay siweyn ugu qeyb qaateyn soo dhaweyntiisa.


Dhinca kale madaxweyne Axmed Axmed ayaa noqonaya madaxeynihii ugu horeeyay ee hogaamiyaha kubbadda cagta qaarada Afrika ee soo gaara dalkeena soomaliy,xili in kayar maalmo qura oo hogaaminayo shaqada Caf soo gaaro Soomaliya,tani waa taariikh iyo guul usoo hooytay xiriirka kubbadda cagta dalkeena Soomaliya


Si kastaba tani waxa ay dhiiri gelin u tahay shaqsiyaad caanka ah ee kubbadda cagta in booqasho ku yimaadaan caasimada Muqdisho,xili dhanka kale ay tahay horomar iyo dhiiri gelin ku aadan kubbadda cagta Soomaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip