Falanqeynta Real Madrid v Bayern, Champions league wareegga 8-da

0
Tuesday April 18, 2017 - 10:01:55 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Real Madrid v Bayern, Champions league wareegga 8-da

    Talaado--Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado--Madrid

Real Madrid ayaa dooneysa in ay gaarto wareegga xiga ee tartanka marka ay la qaadato ciyaar adag kooxda Bayern Talaadada, waxaana labada kooxood ay lugtii hore kusoo kala baxeen 2-1 oo looga soo badiyay Bayern oo gurigeeda la aaday.


Macallin Zinédine Zidane ayaa ku adkeystay in aysan is dhigan doonin isla markaana ay cadaadis ba’an saari doonaan shabaqa kooxda Bayern, sababtoo ah waxaa uu yiri aad ayey u adagtahay in 1 gool laga difaacdo kooxdan.



Laba gool oo uu qeybta dambe dhaliyay Ronaldo ayaa u sahalay Madrid in ay guul 2-1 ah soo gaarto lugtii hore.


Kulankan ayaana noqon doona midkii 24-aad ee labadaan naadi ay garka is geliyaan, waana kulanka ugu badan ee laga ciyaaray Tartammada UEFA ee kooxaha.


Carlo Ancelotti ayaa kusoo laaban doona kooxdii uu ku hoggaamiyay koobkii 10-aad ee Europe sanadkii 2014, Markaas oo uu cashar u dhigay kooxaha Yurub.


Sergio Ramos ayaa safan doona kulankiisii 100aad ee Champions League.


Safafka labada dhinac

Safka Real Madrid: Navas; Carvajal, Ramos, Nacho, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modrić; Isco, Benzema, Ronaldo.

Maqan: Pepe (Feero ka jaban), Varane (Muruq dhaawac), Bale (Cag dhaawac)

Seegaya kulanka dambe haddii jaalle la siiyo: Modrić, Ramos, Kroos


Safka Bayern: Neuer; Lahm, Alonso, Alaba, Bernat; Vidal, Thiago; Robben, Ribéry; Lewandowski, Müller.

Maqan: Javi Martínez (Ganaaxan)

Soo kabasho: Boateng, Hummels

Seegaya kulanka dambe haddii jaalle la siiyo: Boateng, Vidal


Natiijooyinkii Horyaallada ee Toddobaadkan

Sporting Gijón 2-3 Real Madrid (Čop 14, Vesga 50; Isco 17, 90, Morata 59)

Kaliaya Sergio Ramos iyo Nacho ayaa kusoo billowday ciyaartay kooxdii Arbacadii la ciyaartay Bayern ee uga soo badisay 2-1 kulankii Munich. Zidane ayaana isku shaandheyn kale ku sameeyay kooxda Waqooyiga Spain waxaana uu mahad u naqayaa Isco oo goolal labo ah dhaliyay.


Bayer Leverkusen 0-0 Bayern

Ma dheelin wiilka ganaaxan ee Robert Lewandowski, oo sidoo kale dhaawac garabka ah ku seegay bartamaha toddobaadkii hore kulanka ay la ciyaareen Madrid, Ancelotti wiilashiisa ayaana fursad kale halkaas ku lumiyay. Bayern ayaa sidoo kale fursad loo siiyay in ay badiso markii 31 daqiiqo roose loo taagay Tin Jedvaj oo ka tirsanaa Levekusen.


Kulamadii u dambeeyay dhammaan tartamada

Madrid: 5 guulood iyo 1 garab dhac

Bayern: 3 guulood, 2 Khasaare iyo 1 Garab dhac


Ma Ogtahay?

Kulanka hore ayaa sidoo kale ku dhammaaday 2-1 markii kooxahaan ay 2011/12 semi-finalka isku arkeen. 3 gool oo lagu dhaliyay 27 daqiiqo, ayaana lugtii kale garab dhac ka dhigay rigooreyaal ayaana loo gudbay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip