Kani ma noqon doonaa kulankii u dambeeyay ee Champions league ay ka ciyaaraan Xabi Alonso & Philipp Lahm?

0
Tuesday April 18, 2017 - 10:30:10 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kani ma noqon doonaa kulankii u dambeeyay ee Champions league ay ka ciyaaraan Xabi Alonso & Philipp Lahm?

    Talaado--Munich

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado--Munich

Iyadoo Xabi Alonso iyo Philipp Lahm labaduba ay ku dhawaaqeen in ay fariisan doonaan, Bayern Munich ayaa ku dhici doonta Real Madrid Talaadada maanta ah, Champions League xilli ay noqon karto ciyaartoodii u dambeysay ee tartanka haddii laga reebo.


Guulihii ay ka keeneen

XABI ALONSO

Xabi Alonso Champions League


Alonso ayaa waxaa uu ka dhaqaaqay 2003-04 isagoo la jiray Real Sociedad, waxaana uu tartankan saftay markiisii u horreysay isagoo kooxdaas la jira, kana hortegay Olympiakos September 17, 2003.


Goolkiisii koobaad ee koobkan ayuuna ka dhaliyay kulankii xigay oo uu ka hortegay Galatasaray, waxaase uu khasaare wareegga 16-ka ah kala kulmay Lyon wuxuuna u dhaqaaqay Liverpool sanad ciyaareedkii 2004.


Anfield wuxuu ka dhigay xasuus lama ilaawaan ah, waana kii u gacan geliyay kooxdiisa Champions League oo ay Milan uga qaadeen si taariikhi ah, Rafa Benitez kooxdiisii waqtigaas ayaana kasoo laabatay 3 gool oo looga hormaray, Real Madrid ayuu sidoo kale la qaaday koobka 2013-14, wuxuuna ka tegay caasimadda Spain isagoo aaday Munich August 2014, Waxaa uu ciyaaray 126 kulan oo Champions League ah, inta uu ku guda jiray ciyaarista.


PHILIPP LAHM

Philipp Lahm Champions League

Lahm ayaa ka fariisan doona ciyaarista kubbadda cagta ee kooxdiisa Bayern Munich waxaana loo aqoonsan doonaa Halyeey.


Waxaana uu kooxdan ka mid noqday isagoo 11-jir ah, waxaana uu kaliya 2 xagaay amaah ugu soo ciyaaray kooxda Stuttgart, waa nin ku guuleystay Koobka Adduunka, waxaana uu ciyaaraha ka baxayaa isagoo weli da’yar marka la fiiriyo in uu yahay 33-jir.


Safashadiisii kulan weyn ee Bayern waxay aheyd tartanka Champions League, waxaana uu mar dambe beddel kusoo galay ciyaartii 3-3 ay kooxdiisu kula garab dhacday Lens November 13, 2002.


Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Bayern Munich ee garaacday Borussia Dortmund si ay u hanato Champions league, Wembley ayey ka dhacday ciyaartaas sanadkii 2013, Lahm ayaa sidoo kale looga guuleystay 2 mar tartankan Inter iyo Chelsea ayaana ka qaaday, waxaa uu laacibkan ciyaaray 113 kulan oo Champions League ah inta uu ciyaaraha ku jiray.


Lahm iyo Alonso ayaa haddii caawa kooxdooda laga badiyo ama ay garab dhac gasho waxaa ay u noqon doontaa in ay ciyaarayaan kulankoodii u dambeeyay ee Champions league, maaddaama ay sanadka dambe ciyaaraha ka baxayaan oo aysan ciyaari doonin.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip