Jurgen Klopp oo cod dheer ku taageeray Manchester United

0
Wednesday April 19, 2017 - 10:35:44 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 2479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jurgen Klopp oo cod dheer ku taageeray Manchester United

    Arbaco- Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Liverpool



Manchester United waxay ku guuleysan doontaa koobka Uefa Ueropa League sida uu qabo tababaraha Liverpool Jurgen Klopp.


 

Manchester United bandhig wanaagsan ayay ka sameyneysa tartanka Ueropa league waxayna todobaadkan ku rajo wayn tahay in ay usoo baxdo wareega afar- dhamaadka tartanka.


Koxda Jose Mourinho ayaa fiidnimda khamiista garoonka Old Traford kusoo dhaweyn doonta kooxda Reer Belgium Andelecht, iyagoo kulanki koowad 1-1 isku mari waayay.



Waxuuna macalinka Liverpool codkiisa ku taageeray United in ay tartanak ku guuleysan karto, taasoo ah arin uu isaga ku hungoobayb xagaagi tagay.


 

"Manchester United waxay haystaa koox xooggan oo si wanaagsan loo diyaariyay , " ayuu Klopp ku yiri Jariirada dalka  Germany ee Sport1.


" Aad ayay ugu dhaw yihiin in ay tiigsadaan fiinaalka Europa League , intaa kadib waxaynu eegi doona imisa ciyaaryahan oo muhiim ah ayaa kooxda diyaar u ah.


" Horeyba waxaa haystay dhibaatooyin dhanka dhaawaca ah.


" United waxay haysataa ciyaartoy isugu jira da’yar xawaarahoodu sareeyo iyo waa ya arag. Runtii waa koox wanaagsan.


" Sida ay aragtideyda tahay waa kooxda ugu cad cad ee tartanka hanan karta.” Ayuu hadalkiisa kusoo gebagabeeyay Klopp.


 

Tababaraha Liverpool waxaa sanadki tagay Europa League finalkiisa 3-1 kaga  qaaday kooxda Seviile oo sidaa ku noqotay kooxda kaliya ee shan jeer ku guuleysatay koobka.


W/D: Xuseen Maxamed Hadafow





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip