Mourinho oo dib u soo celinaayo daafac uu diray Louis van Gaal waliba lacag qaali ah.

0
Wednesday April 19, 2017 - 17:13:40 in Wararka by Ak Caqil
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho oo dib u soo celinaayo daafac uu diray Louis van Gaal waliba lacag qaali ah.

    Arbaco-- London. Jose Mourinho ayaa go'aansaday inuu dib u sooceliyo Michael Keane oo daafaca uga ciyaaro Kooxda Burnley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-- London. Jose Mourinho ayaa go'aansaday inuu dib u sooceliyo Michael Keane oo daafaca uga ciyaaro Kooxda Burnley.





Daafaca Kooxda Burnley ayaa waxaa uu Jose Mourinho ku darsaday liiska ciyaartooyda uu doonaayo inuu keensadaa Garoonka Old Trafford xagaagani sida laga soo xigtay Dailly Mirror. Daafacii hore ee ku soo baxay Garoonka Old Trafford ayaa la sheegayaa in ugu yaraan ah £30m ay dib ugu soo iibsan karto Kooxda United waa hadii ay noqotaa in dib loogu soo celiyaa wiilkoodii hore Garoonka Old Trafford.



Michael Keane laga iibiye Kooxda Burnley 2015-kii markaas oo uu LvG iska fasaxay daafacaan heerka caaalami ee Ingiriiska ah. Waxaa la xasuustaa in markii ugu horeeysay ee laacibkaan u saftay Kooxda Manchester United uu hogaaminaaye Sir Alex Ferguson. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip