Sawirro: Roberto Firmino oo kaligiis tababarka kooxda si gaar ah u qaata, iyo tababarkii guud ee Reds!!!

0
Thursday April 20, 2017 - 09:11:16 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Roberto Firmino oo kaligiis tababarka kooxda si gaar ah u qaata, iyo tababarkii guud ee Reds!!!

    Khamiis--Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Liverpool

Liverpool ayaa dooneysa in ay si waliba ku hiigsato sanadkan 4-ta sare ee horyaalka waxayna labadii usbuuc ee lasoo dhaafay sameysay bandhig fiican, iyadoo guulo ka gaartay Stoke iyo West Brom.


Hadda kooxda macallin Jurgen Klopp waxay kusoo laabanayaan ciyaaraha gurigooda, waxaana u imaan doonta Crystal Palace, eyeing iyagoo raadinaya in ay garaacaan si ay 4-ta sare ugu biiraan xilli 4 ka mid ah Lixda gooxood ee u sarreysa ciyaarayaan toddobaadkan ciyaaraha FA Cup.



Iyadoo taasi jirto gooldhaliye Roberto Firmino, oo laba gool kusoo kala dhaliyay ciyaarihii Stoke iyo kooxda ka dhisan Midlands, wuxuu hadda doonayaa in uu dadaalkiisa sii wado.


Laacibka dalka Brazil ayaana keydka kasoo galay ciyaartii Stoke dhaliyayna goolka guusha, ka hor inta uusan guul ka keenin Hawthorns – oo ay kusoo garaaceen kooxda macallin Tony Pulis.


Firmino, waa 25-jir, kama uusan qeyb gelin tababarka buuxa ee kooxdiisa, waxaana kooxdu u sameysay tababar gaar ah, u wada macallin Andreas Kornmayer oo xaaladda laacibkan kala hadlay Jurgen Klopp.


Klopp ayaa doortay in laga saaro safka Firmino kulankii Stoke xilli uu waanada arrinkaas ka helayay macallimiinta jir dhiska, oo ka walaacsanaa xaaladda laacibkan.


Waxaa la rumeysanyahay in Firmino uu sii joogayo safka, kooxduna aysan ka maarmin tan iyo soo laabashada Adam Lallana iyo Sadio Mane.


Macallinka ayaa laacibkan si gaar ah Tababar xoogaa Nasiino leh in la siiyo u qorsheeyay maaddaama ay kooxdu wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd, iyadoo hiigsaneysa Champions league-na aysan heysa safka xiddigihii ugu Muhiimsanaa sida, Lallana, Henderson iyo Mane.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip