Sawirro: Serena Williams oo ku dhawaaqday in ay leedahay Uurkeedii u horreeyay!!!

0
Thursday April 20, 2017 - 09:25:07 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Serena Williams oo ku dhawaaqday in ay leedahay Uurkeedii u horreeyay!!!

    Khamiis--New York

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--New York

Serena Williams ayaa shaaca ka qaadday in ay leedahay Uurkeedii koobaad ee cunuggii u horreeyay ee ay hooyo u noqoneyso, waxayna ku shaacisay barta Snapchat.


Gabadha dalka Mareykanka u dhalatay oo ah laacibad geesi ku ah Tennis-ka, waa 35-jir, waxayna Arbacadii ku dhawaaqday in ay Uur leedahay iyadoo adeegsaneysa Baraheeda Bulshada, waxayna ku xaqiijisay in Uurkeedu uu yahay 20 Toddobaad.


Williams, oo ku guuleysatay tartanka Australian Open horraantii Sanadkan, ayaa soo xiratay Maro Jaalle ah, waxayna ku dhawaaqday markaas in ay noqon rabto Hooyo.



Gabadhan oo kaalinta Labaad uga jirta kala sarreynta Xiddignimada Adduuna ee Tennis-ka ayaa guursatay Reddit ninka soo helay ee Alexis Ohanian waxaana uu daawanayay ciyaaraheedii u dambeeyay sida Indian Wells iyo Miami.


Waxayna caddeysay in ay iyagu hadda noqonayaan Aabbe iyo Hooyo.


Waxaa la yaab ah in ay bilo yar uun ka hor ku guuleysatay markeedii 23-aad Grand Slam, waxayna ka dheeraatay rikoorkii Steffi Graf markii ay hanatay Slam sanadkan – keddib markii ay finalka ku garaacday walaasheed la dhalatay Venus Williams.


Waxay si la mid ah arrinkan, guurkeeda ku dhawaaqday 2017, keddib markii Ohanian uu weydiiyay December, waxayna markaas kusoo laabatay qofka koobaad ee dunida ugu fiican Tennis-ka, iyadoo Isniinta kusoo laabaneysa ciyaarista, keddib muddooyinkan oo ay ka maqneyd.


Williams ayaa intaas keddib tir-tirtay oo masaxday qoraalkeedii Snapchat.



Serena blasted through the Australian Open in 2017; winning while eight weeks pregnant. Picture: Clive Brunskill/Getty Images

Dadka iyagoo Uur leh ciyaarahooda sii watay ee aan ka fariisan!!!

World Champion Jana Pittman continued to train well into her pregnancy.

A pregnant Paula Radcliffe running alongside her daughter three-year-old daughter Isla at the 2010 New York Mini 10K. Picture: Alamy

While there’s no hint of a baby bump, Kerri Walsh Jennings was five weeks pregnant when she won Gold for the US in Beach Volleyball at the London Olympics. Picture: Cameron Spencer/Getty Images

Anky van Grunsven was five months pregnant when she won Gold for the Netherlands in Athens. Picture: Chris McGrath/Getty Images







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip