Manchester United vs. Anderlecht ciyaarta Europa league iyo wararka la xiriira

0
Thursday April 20, 2017 - 09:30:46 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United vs. Anderlecht ciyaarta Europa league iyo wararka la xiriira

    Khamiis--Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Manchester

Manchester United ayaa raadineysa in ay kasoo muuqato wareegga 4-ta ee Europa League marka ay soo dhoweeyaan Anderlecht ciyaar ka dhici doonta Old Trafford habeenka Khamiista.


Garab dhac 1-1 ayaa toddobaadkii hore lagu kala baxay, Man United, ayaana dooneysa in ay fursad fiican ka hesho kooxda reer Belgium, xilli ay kulankeeda caawa dooneyso guul weyn kooxda 20-ka mar heysata horyaalka England.


WARARKA KOOXAHA

Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan ayaan midkoodna kusoo billaaban kulankii Axadda ee Premier League ay kooxdu ka badisay Chelsea, balse labadan weeraryahan ayaa la filayaa in ay safka Mourinho soo galaan kulankan.



Matteo Darmian oo bandhig wacan sameeyay kulankii Chelsea waxaa uu ka mid noqon doonaa difaacyada 3-da ah, halka Luke Shaw loo yeeray isagoo seegay 2dii kulan ee hore.


Sergio Romero ayaa kusoo laaban doona safka kooxda, halka Herrera la filayo in uu safka soo galo, keddib markii la fariisiyay kulankii Brussels. Wayne Rooney, ayey macno badan leedahay in uu keydka soo gelayo.


Keddib Anderlecht, gooldhaliyaheeda ugu sarreeya Lukasz Teodorczyk markii keydka la fariisiyay, hadda 25-jirkani waa uu kusoo billaaban doonaa safka Isaac Kiese Thelin, oo lugtii hore garab dhac qalqaashaday.


Sofiane Hanni, ayaa sidoo kale isagoo keydka kasoo galay cashar dhigay, wuxuuna kusoo billaaban karaa ciyaarta isagoo ka garab ciyaari kara Frank Acheampong.


Safafka labada naadi

Safka Man United: Romero; Bailly, Rojo, Darmian; Valencia, Pogba, Herrera, Shaw; Mkhitaryan, Ibrahimovic, Rashford


Safka Anderlecht: Ruben; Obradovic, Nuytinck, Mbodji, Appiah; Dendoncker, Tielemans; Acheampong, Stancui, Hanni; Teodorczyk


Fool ka fool

Ciyaarta Khamiista waxay noqoneysaa kulankii 8-aad ee labadan kooxood ay ku kulmaan ciyaaraha Europe, Man United ayaana 3 guulood ku hoggaamineysa is araggan, halka sidoo kale Anderlecht ay badisay 2.


Labadoodii kulan ee u dambeysay – ka hor lugtii hore ee hadda – middood waxay aheyd 2000-01 oo ay ku kulmeen Champions League Guruubkiisa, Man United ayaana diiwaanka ku qoratay 5-1 guul ah oo ay gurigeeda ku gaartay, waxaase looga badiyay 2-1 ciyaartii xigtay ee Brussels 1 bil keddib.


Ka hor 2000, xaqiiqdii kuma aysan kulmin tartan Europe ah, tan iyo 1968 European Champions Clubs' Cup, markaas oo Man United ay u gudubtay wareegga xiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip