Liverpool, Arsenal iyo Man United oo ku farxay in Leicester laga reebo Champions League!!

0
Thursday April 20, 2017 - 09:33:56 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool, Arsenal iyo Man United oo ku farxay in Leicester laga reebo Champions League!!

    Khamiis--England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--England

Leicester in ay ka harto Champions League Talaadadii waxaa si diirran usoo dhoweeyay kooxaha Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Arsenal iyadoo hadda kooxaha 4-ta sare ay damaanad u heystaan in ay ciyaari doonaan Champions league.


Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa hadda waxay ku jirtaa booska 3-aad iyadoo 2 dhibcood ka sarreysa kooxda Manchester City waxayna doonayaan labaduba in ay ciyaaraan koobka sare ee Yurub.



Marka loo fiiriyo qoraal ay sameysay Liverpool Echo, waxaa jirtay baqdin xooggan oo ay qabtay Liverpool taasoo lumin laheyd fursaddeeda CL, haddii Leicester ay hanato Champions League xilli Manchester United ay soo qaadday Europa League.


Nasiib wanaag United haddii ay qaaddo koobkaas, Reds waxay u dagaallami doontaa booskeeda, waxayna ka baqeysay Leicester oo koobka kale soo hanata.


Waxaase si xooggan u dabbaal degay kooxo badan, markii 1-1 ay ku xakameysay kooxda Atletico Madrid lugtii labaad ee wareegga 8-da, taasoo la macno ah in England kooxda ka socota looga badiyay celcelis dhan 2-1.


UEFA ayaan u oggolaan Karin wax ka badan 5 kooxood in ay 1 tartan oo kuweeda ka mid ah ka qeyb galaan. Waxaana imaan lahaa kooxo aan badneyn.


Leicester iyo United haddii ay soo hantaan koobabka waxay soo aadi lahaayeen 2017/18, balse Saul Niguez goolkiisii hore ayaa nasiib tiray Leicester in ay soo laabasho sameyso.


Jamie Vardy ayaa garab dhaca keenay, balse Diego Simeone kooxdiisa ayaa waxay ciyaartay si xooggan tan iyo dhammaadka kulanka.


Wararka sheegaya in Leicester ay koobka ka dhacday ayaa sidoo kale u wanaagsan kooxaha Manchester United iyo Arsenal oo sidoo kale isku deyaya in ay kusoo baxaan 4-ta sare.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip