Shibis oo shib ku siisay Cabdicasiis una soo gudubtay Semi finalka Tartanak degmooyinka +Sawirro

0
Thursday April 20, 2017 - 09:47:12 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shibis oo shib ku siisay Cabdicasiis una soo gudubtay Semi finalka Tartanak degmooyinka +Sawirro

    Khamiis- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis- Muqdisho



Xiddiga kubadda Gacanta Degmada Shibi ayaa usoo gudbay semi finalka tartanka kubada Gacanta Wiilasha degmooyinka kadib markii ay si xarago leh uga badiyeen dhigooda Cabdicasiis.


Kulanka oo ahaa kulanki u dambeeyay wareega 8-da tartanka ayay labada koox ku yessheen garoonak Wiish, waxaaana garoonka soo camiray taageerayasha lbada degmoee daris ka iyo masuuliyiin qeybaha isboortiga.



Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaaar farsamadeedu aad u sareyso, waxaana qeybta hore lau kala nastay 6-6.


Marku laysku soo laabtay Wiilasha Cabdicasiis ayaa hogaanka ku qabtay 8-6 marki ay laba gool oo deg deg dhaliyeen, basle waxaa wacdaro la yaab leh ay kala kulmeen xiddifah No-5 Cabdulaahi Muqtaar Cumar kaasoo sida daadka oo kale ugu fatahay goosha Cabdicasiis, isagoo wadarta guud ka dhaliyay 6 gool, waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 16-11 oo ay guusha ku raacday Wiialasha degmada Shibis, waxaana sidaa lagu Degmada Cabdicasiis oo tartanka marti gelineysay.


Laacibka ciyaarta waxaa loo aqoonsaday C/laahi Muqtaar Cumar oo No-5 u qaata Degmada Shibis.


Shib ayaa semi fiinaalka Jimcaha la dheeli doonta degmada Hodon.


Diyaarinta iyo Sawirada: Saciid Cali Sebriye


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip