Aqriso qaabka loo ciyaari doona kulamada semi finalka iyo finalka tartanka kubadda Gacanta degmooyinka

0
Thursday April 20, 2017 - 12:14:43 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqriso qaabka loo ciyaari doona kulamada semi finalka iyo finalka tartanka kubadda Gacanta degmooyinka

    Khamiis- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis- Muqdisho


Iyadoo si xiiso leh uu garoonka wish uga socdo tartanka kubadda gacanta degmooyinka waxaa manta iyo berri la ciyaari doonaa kulamado katirsan semi finalka tartanka.


kulanka koowaad ee semi finalka waxaa manta 4:00 galabnimo garoonka wish ku yeelan doona Degmooynka Warta Nabadda iyo Kaaraan oo wareega sideeda kasoo kala adkaatay Shangaaniyo Waaberi.


Kulanka labaad waxaa berry garoonak wish ku loolami doona degmooyinka Hodon iyo Shibis oo wareega 8-da kasoo guuleystay Howl-Wadaag iyo Cabdicasiis.



Maalinta sabtida waxaa jiri doona kulan saaxiibtinimo oo ay wada dheli doonaan ciyaartoyda Xulka qaranka iyo kuwa da’yarta ee laga soo xulay Tartanka kuwaa oo loo carbinayo in ay laga dhigo Junyarka Xulka qaranka.


Axadda waxaa la dheeli doonaa kulanka kaalinta saddexaad oo ay ciyaari doonaan labada degmo ee laga guuleysta semi finalka,


Waxaana fiinaalka la ciyari doonaa maalinta Isniinta oo ay taariikhda ku began tahay 24 April.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip