Warta Nabadda oo garaacday Kaaran una gudubtay fiinaalka tartanka Degmooyinka+Sawirro

0
Friday April 21, 2017 - 13:30:55 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warta Nabadda oo garaacday Kaaran una gudubtay fiinaalka tartanka Degmooyinka+Sawirro

    Jimco- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco- Muqdisho



Degmada Warta Nabadda ayaa iska xaadirisay fiinaalka tartanka kubadad Gacanta degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markaii ay ka adkaatay degmada kaaraan oo ay ku kulmeen kulanki koowaad ee semi finalka tartanka.


Labada degmo oo soo bandhigay ciyaar tii ugu xiisaha badneyd ee tartanka laga ciyaaro ayaa qeybta hore waxaa lagu kala nastay 9-6 oo ay hogaanka ku hayaan wiilasha Warta Nabadda.



Balse marki laysku soo laabtay ayay Kaaran sameysay kasoio kabasho wanaagsan waxayna ciyaarta ku sigayay in waqti dheeri ah lagu daro, iyadoo labada degmo ay barbaro 15-15 iyo 16-16 isla gaareen, waxayse ugu dambayn 17- 16 waxay guusha ku raacday Wiilasha degmada Warta Nabadda.


Xiddiga ay ay degmada Warta Nabadda ku duuleysay Isxaaq Maxamed Axmed ayaa dhaliyay 12 gool isagoo ahaa laf –dhabarta guusha degmadiisa , waxaana xagga gool dhalinta kusoo xigay C/salaam Maxamed Cabdi oo no-4 u sitay degmada Kaaraan oo 8 gool dhaliyay.


Xiddiga Garoonka waxaa loo aqoonsaday Isxaaq Maxamed Axmed.


Warta Nabadda ayaa kulanka fiinaalka Siniinta la ciyaari doonta degmooyinka Shibis iyo Hodon oo manta ku ballansan semi fiinaalka labaad ee tartanaka.


W/D: Saciid Cali Sebriye

Sawir Qaade: Cabdulqaadir Muuse Cusmaan Naani




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip