Conte oo waqti u qaatay si uu uga hadlo Terry

0
Friday April 21, 2017 - 20:09:54 in Wararka by Nasri Ahmed
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Conte oo waqti u qaatay si uu uga hadlo Terry

    Jimco - London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco - London





Maareeyaha kooxda kubadda cagta Chelsea Antonio Conte ayaa amaanay hogaamiyaha garaystay inuu soo geba gabeeyo la joogista Blues ee John Terry.


Macallinka reer Talyaani aya qirtay in Terry uu yahay laacib muhiim u ah kooxdiisa tan iyo imaanshihiisa gudaha iyo dibadda garoonkaba, xilli 36 jirka John uu qirtay horaantii toddobaadkan inuu dhammaadka xagaaga isaga hayaami doono gegada Stamford Bridge.



John Terry ayaa kooxda Galbeedka London ka dhisan ku sugnaa muddo 22 sano ah, wuxuuna han ka qabaa inuu ku macsalaameeyo kooxdiisa ku guuleysiga Premier League iyo FA Cup oo ay u dhow yihiin.

"Lama yaabani fal celintiisa, waase laacib weyn oo muhiim aniga ii ahaa xagaageygii koowaad ee kooxda gudaha iyo dibadda garoonkaba." ayuu yiri macallinkii hore ee Juventus.


Terry ayaa waayihiisa Blues u saftay 713 kulan, walow tan iyo imaanshiyaha Conte keliya 4 kulan uu safka koowaad kusoo bilowday cayaaraha Premier League.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip